Raila Odinga oo maanta aas qaran loo sameeyay

0
856

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga sidoo kalena ahaa madaxa xisbiga ODM oo 15-kii bishan Tobnaad ee Oktoobar ku geeriyooday waddanka India ayaa maanta loo sameeyay aas qaran.
Munaasabadda ayaa ka qabsoontay Jaamacadda Sayniska iyo Tiknolojiyadda ee Jaramogi Oginga Odinga ee ismaamulka Siaya.
Waxaa loo riday 17 rasaas sharafeed ah iyadoo ugu dambeyn meydkiisa lagu aasay Kang’o Ka Jaramogi ee magaalada Bondo, dowlad deegaanka Siaya.
Raila oo dhashay sanadkii 1945-tii ayaa geeriyooday maalmo ka hor isagoo 80 sano jir ah.
Tan iyo xilligii uu dhintay ee meydkiisa waddanka la keenay waxay dowladda iyo qoyskiisa oo iskaashanaya ay sameynayeen munaasabado kala duwan oo lagu sharfaya sidoo kalena kenyaanka lagu xusuusinaya waxyaabihii uu siyaasad ahaan u taagnaa.