Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa shalay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka India ,Narendra Modi
Kulanka oo fool ka fool ahaa ayay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka ka dhexeya waddamada Kenya iyo India.
Raila Odinga oo dalkaasi ku joogo booqasho khaas ah ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu Modi u xaqiijiyay in labada dowladood ay sii adkeynayaan cilaqaadkooda si ay shacabka uga wada faa’iidaystaan.
Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa dhankiisa xusay inuu ku farxay la kulanka Mr. Odinga oo uuna soo dhaweynaya xoojinta xiriirka taariikhiga ee laba geesoodka ah.