Raila Odinga oo kulan ku qabanaya ismaamulka Homa Bay

0
364

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa la filayaa inuu maanta kulan siyaasadeed ku qabto ismaamulka Homa Bay ee gobolka Nyanza.
Xisbiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shirka uu dhici doono iyadoo si buuxda loogu hoggaansamaya tallaabooyinka ay dowladda dhexe ku xakameynayso faafidda caabuqa corona.
Xoghayaha guud ee ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay in aynan suurtagal ahayn in meesha laga saaro kulanka maadaama horay loo qorsheeyay.
Hasa ahaate garabka mucaaradka ee dalka ayaa dib u dhigay kulan kale oo uu qorshuhu ahaa in maalinka Jimcada lagu qabto ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka.