Raila Odinga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

0
60

Raa’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa maanta geeriyooday.
Raila, oo lagu daweynayay dalka Hindiya, ayaa la sheegay in uu dhintay ka dib markii uu wadnaha istaagay, xilli uu subaxnimadii hore ee saaka ku sugnaa mid ka mid ah isbitaallada Hindiya.
Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in gabadhiisa iyo eheladiisa ay la socdeen.
Raila ayaa u yimid degmada Kerala ee dalka Hindiya u tagay inuu isku daaweeyo Ayurvedic oo ah hab kale oo dawooyin ah oo xiiriro taariikhi ah ku leh qaarad hoosaadka Hindiya, balse waxaa la sheegay in uu geeriyooday abbaare 9:52 am subaxnimo (waqtiga maxalliga ee Hindiya), sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.
Raila Odinga ayaa geeriyooday isaga oo jira 80 sano.