Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa ka dhoofay dalka si uu uga qayb galo shirka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimillada ee (COP27).
Shirkan ayaa waxaa uu ka socda magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
War murtiyeed la soo saaray ayaa lagu sheegay in Mr. Odinga lagu casuumay shir madaxeedka si uu ula hadlo madaxda iyo wufuudda kala duwan ee isugu timid.
Raila ayaa shirkan ka qayb galaya isagoo ah wakiilka sare ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Afrika ee Midowga Afrika.
Waxaa la filayaa in uu soo bandhigo warbixin ku saabsan saameynta isbeddelka cimillada uu ku yeeshay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.
Shirka ayaa si rasmi ah u furmay shalay waxaana la filayaa in ay ka qayb galaan in ka badan 130 madaxweyne.
Madaxweynaha dalka William Ruto iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa ka qayb galaya shirkan iyadoo Ruto uu sidoo kale yahay guddoomiyaha guddiga madaxda Afrika ee qaabilsan la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in la sameeyo heshiis lagu gorfeynayo magdhowga la siinayo waddamada saboolka ah ee ay ku sii kordhayso waxyeellada la xiriirta cimillada.
Qodobkan oo muran badan dhaliyay ayaa markii ugu horreysay ajeendaha ku jiro tan iyo markii ay billowdeen wada hadallada cimillada tobannaan sano ka hor.




