Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyayaasha in ay sameeyaan waxa ku haboon taa badalkeedana ay qaataan go’aano geesinimo leh oo dalka wax looga badalo waxna looga qabto caqabadaha hortaagan dadka.
Dhankiisa madaxweyne William Ruto ayaa xusay in baaqa Mr. Odinga ee ah in madaxda ay diiradda saaraan waxa saxda ah ay si weyn ula jaan qaadayaan qiyamka maamulka uu hoggaamiyo.
Isagoo ka hadlayay Ismaamulka Kajiado Jimcihii, Mr. Odinga ayaa sheegay in barnaamijyada dowladdu ay mar walba noqdaan kuwo loo dhan yahay iyadoo aan loo eegin sida ay dadku ugu codeeyeen doorashooyinkii hore.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale ka sheekeeyay fikirkiisa ku aaddan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo bogaadiyay barnaamijka Guryaha la awoodi karo iyo barnaamijyada la xiriira sida suuqyada, isbitaallada iyo dugsiyada.
Waxa uu tilmaamay in barnaamijka guriyeynta ay tahay in lagu daro suuqyada, xarumaha caafimaadka, iskuulada, iyo adeegyada kale ee bulshada si looga dhigo mid waara.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale ku baaqay in la balaadhiyo garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta si uu u noqdo xudunta qaaradda Afrika.