Raila Odinga oo gudbiyay dacwad ku aaddan in la isku dayey in la dilo

0
368

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa saldhigga booliiska ee Kware ee deegaanka Embakasi oo ka tirsan ismaamulka Nairobi u gudbiyey cabasho rasmi ah oo uu ku sheegayo in maalmo ka hor la isku dayey in la dilo xilli ay ku guda jireen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe ee ay Axaddii hakiyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilli ay ku sugnaayeen xaafadda pipeline la bartilmaameedsaday baabuurkiisa.
Qareenka matalaya Raila ,Jackson Awele ayaa sheegay in iyagoo ku wajahaan waddada Outering Road, in booliiska ay si aan kala sooc lahayn dibadbaxayaasha ugu kala eryeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas taasoo ka careysiisay dibadbaxayaasha.
Awele ayaa ku doodaya in saraakiisha ammaanka laga doonayay inay dadka dibadbaxyada ka qayb qaadanaya u fududeeyaan inay halkaasi si nabad ah ku maraan.
Waxaa uu qareenka intaasi ku daray in ciidamada booliiska ay soo abareen baabuurka Raila Odinga iyagoo ku riday ilaa 10 rasaas oo nool.
Dacwadda waxaa ku cad in madaxa mucaaradka la bartilmaameedsanayay balse uu badbaaday.