Raila Odinga oo gaaray boqortooyada Ingiriiska

0
356

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dalka ka ambabaxay isagoo gaaray boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa uu xafiiskiisa safarkan ku tilmaamay mid gaar ah iyo mid shaqo oo qaadan doono 7 cisho.
Afhayeenka xoghaynta madaxa Azimio Raila Odinga,Dennis Onyango ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uu sidoo kale safarkan uga faa’ideysan doono nasasho.
Waxaa uu intaasi ku daray in muddada uu Raila ku sugan yahay UK uu la kulmi doona asxaabtiisa, xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibbadiisa dhanka ganacsiga.
Safarka hoggaamiyaha Azimio ee dibadda ayaa ku soo aadaya iyadoo ay wada hadallo u socdaan mucaaradka iyo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Sidoo kale Raila Odinga ayaa si kadis ah gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi kula kulmay senatarka gobolka Delaware ee dalka Maraykanka Chris Coons.
Mr. Coons ayaa dib ugu laabtay Maraykanka ka dib markii uu maalinkii Jimcaha aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee caasimadda Nairobi wada hadal kula yeeshay madaxweynaha dalka William Ruto.