Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay qorshaha ay wadanka ku soo gelinaysa galleyda qaabka casriga ah lagu soo saaro ee GMO.
Waxaa uu xusay in arrintan ay tahay mid qaran oo uunan golaha wasiirrada keli go’aan ka gaari karin.
Raila Odinga ayaa dalbanaya in baarlamaanka uu fursad siiyo dadweynaha si ay qorshahan uga ra’yi dhiibtaan ka hor inta aan lagu dhaqaaqin.
Waxaa uu saraakiisha dowladda sida wasiirka wasaaradda ganacsiga , Moses Kuria ugu baaqay in sida uu hadalka u dhigay aynan shacabka ula dhaqmin si xaqiraad laga dheehan karo.
Raila Odinga ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Capital Hill ee magaalada Nairobi.
CS @HonMoses_Kuria’s remarks on this matter are regrettable. To say that even without GMOs, Kenyans will die anyway is a mockery to the people of Kenya. @RailaOdinga therefore says Kuria should apologize to the people of Kenya.
— The ODM Party (@TheODMparty) November 20, 2022
PL @RailaOdinga opposes the planned importation of GMO maize by the Ruto administration. He says, GMO’s are dangerous to both human and animals lives and that they have been banned in major European countries and Americas. Parliament should take the lead on this matter, he says.
— The ODM Party (@TheODMparty) November 20, 2022