Raila Odinga oo dib uga soo laabtay safarkiisi dibadda

0
359

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar qaatay ku dhawaad 10 cisho oo uu ku joogay boqortooyada Ingiriiska.
Raila oo dalka soo gaaray galinkii dambe ee shalay, ayaa waxaa wehlinayay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho , Charity Ngilu oo ah guddoomiyaha ismaamulka Kitui, xildhibaanka bariga Suna Junet Maxamad, senetarka dowlad deegaanka Siaya James Orengo, mudanihii hore ee Gatanga Peter Kenneth iyo xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli.
14-kii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu safar ugu ambabaxay Ingiriiska.
Waxaa uu wadankaasi kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiin dowladeed iyo qurba joogta Kenyaanka ah ee ku nool UK.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa lagu wadaa in 25-ka bishan ee ku beegan maalin Jimco ah, uu ololihiisa siyaasadeed uu ku doonaya xilka madaxtinimo u bandhigo dadweynaha ku nool dowlad deegaannada ku yaalla gobolka Rift Valley oo uu shacbiyad xooggan ku leeyahay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.