Madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga , oo wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa beeniyay in xubnaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya aynan ka mideysnayn warbixintii uu soo saaray guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee NADCO.
Warbixintan ayaa la soo bandhigay 25-kii bishii hore ka dib wada xaajoodyo bilooyin ka socday xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Mr. Odinga ayaa sheegay in xubnihii mucaaradka ee uu hoggaaminayay Kalonzo Musyoka inay horumar sameeyeen marka la eego qodobbadii ay soo jeediyeen in laga doodo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ka isbeheysi ahaan ay tixgelinayaan xurriyadda uu qofku u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa sidaasi awgeedna aynan wax dhibaato ah ku qabin in la kala aragti duwanaado.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Azimio ay weli hadal hayaan qodobkii ku saabsanaa yareynta sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro balse dhanka kale in laga heshiiyay arrimo dhowr ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa tilmaamay in qodobka keliya ee uu muranka ka taagan yahay ee warbixinta guddiga NADCO uu yahay hoos u dhigidda qiimaha maciishadda balse dhankooda ay ku adkeysanayaan in maamulka Kenya Kwanza uu caqabaddan xallin karo.
Madaxa Azimio ayaa sheegay in kastoo aan arrintan laga heshiin , haddana in garabka mucaaradka aynan mas’uuliyad gaar ah ka saarnayn oo ay dowladdu u taallo qaabka ay kula tacaalaysa.
Raila Odinga ayaa xusay in ay sii wadi doonaan cadaadiska ay dowladda dhexe ku saarayaan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda gaar ahaan canshuuurta.
Xubnaha ka tirsan Azimio ee ku gacan seyray warbixintii guddiga NADCO waxaa ka mid ahaa Eugene Wamalwa , Martha Karua iyo Jeremiah Kioni oo sheegay in aan laga heshiin arrimihii ugu muhiimsanaa ee keenay in sanadkan ay wadanka ka dhaceen dibadbaxyo waawayn.
Dhanka kale hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio , Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay safarrada uu ku tago dibadda .
Waxaa uu safarradan ku tilmaamay waqti lumin iyo ku tagriifalka lacagaha dadweynaha.
Madaxweynre Ruto ayaa dhankiisa horay u difaacay safarradiisa dibadeed oo uu ku sheegay kuwo lagu soo jiidanaya maalgashato caalami ah.
Hasa ahaate Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in safarradan aynan waxba soo kordhinayn maadaama maalgashatada shisheeye ay caqabad ku noqon karaan canshuuraha la kordhiyay.
Odinga ayaa nidaamka canshuurta ee dalka ku tilmaamay mid cabsi ku beeraya maalgashatada.