Madaxa isbsheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu khiyaanay oo uunan sidii uu ka filayay ugu ololeyn.
Mr. Odinga ayaa sheegay in Uhuru uu keliya gudanayay waajibaadkiisa guddoomiyennimo ee Azimio.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyihii hore ee wadanka aanan marnaba laga dalban ama looga baahan inuu Raila si gaar ah ugu ololeeyo.
Raila Odinga ayaa cadeeyay in kastoo uu taageero ka helay Uhuru haddana in isaga uu awooday marar badanna uu si madax bannaan u sameeyay olole siyaasadeed.




