Raila Odinga oo ballanqaaday inuu 100 cisho gudaheeda isbeddel wayn ku sameyn doono

0
460

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya , Raila Odinga ayaa ballanqaaday in hadii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu muddo 100 cisho gudaheeda ah ku sameyn doono isbeddel ballaaran.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay geli doonto waji cusub oo dhanka horumarka ah.
Raila oo ballanqaadkiisa ku saleeyay dhaqaalaha ayaa hoosta ka xarriqay inuu ku dadaali doono cirib tirka dhibaatooyin jiray tan iyo xilligii ay Kenya qaadatay madax bannaanida sida saboolnimada , aqoon yarida iyo cudurrada.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka inay lagama maarmaan tahay taageeridda wax soo saarka beeralayda iyo suuq-geynta dhalaggooda.
Raila oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Kiminini ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa ku celceliyay inuu sidoo kale xoojin doono daryeelka caafimaad, xallinta shaqo la’aanta baahsan iyo ganacsiga dhallinyarada.
Sidoo kale waxaa uu caddeeyay inay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo xadgudubyada taariikhiga ee dhanka dhulalka.
Waxaa uu mar kale difaacay in maamulkiisa uu bil kasta qoysaska uunan dakhliga soo gelin siinaya 6,000 oo shilin isagoo sheegay inuu diyaariyay qorsho dhameystiran oo uu arrintan ku dhaqangelinaya.

Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shacabka ugu baaqay inay nabadgalyada iyo midnimada ku dadaalaan ka hor codeynta guud.