Raila Odinga oo baajiyay isku soo bixi Kamukuji ee maanta

0
382

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa joojiyay isu soo bax uu taageerayaashiisa kula hadli lahaa kaas oo la qorsheeyay in uu ka dhaco fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu xusay in go’aankan la qaatay, ka dib markii uu sheegay inuu helay xog ah inuu jiro qorsho lagu weerarrayo dibadbaxayasha.
Raila ayaa booliiska ku eedeyay inay awood xad dhaf u adeegsadeen dibadbaxayaasha.
Waxaa uu sheegay in dhowr qof oo mudaaharaadayay la toogtay halka kuwa kalena lagu xiray magaalada Nairobi.
Hasa ahaate Star Fm si madax bannaan uma xaqiijin karta sheegasahda Raila.
Mr. Odinga oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Jaramogi Oginga Odinga Foundation (JOOF) ee magaalada Nairobi, ayaa dibadbaxyada ay dhigayaan ku tilmaamay kuwo cadaadis lagu saaraya dowladda dhexe si ay uga laabato dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan .
Mudaaharaadyada ay dhigayaan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sidoo kale ka qabsoomay ismaamullada Migori, Kisii , Nyamira, Nakuru, Kisumu iyo magaalada Emali ee dowlad deegaanka Makueni.