Raila Odinga oo arrimo dhowr ah ka dalbanaya IEBC

0
298

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ka dalbanaya inuu arrimo dhowr ah cadeeyo ka hor xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Raila oo uu matalaya la taliyihiisa sare ee dhanka sharciga Paul Mwangi ayaa sheegay in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uunan uga soo jawaabin warqado badan oo ay u qoreen.
Mr. Odinga ayaa ku andacoonaya inay jiraan dulduleello la xiriira qaabka IEBC ay ugu diyaar garowday maareynta doorashada guud.
Waxyaabaha uu Raila Odinga dalbanaya waxaa ka mid ah inuu jiro qaab dheeraad ah oo lagu aqoonsan karo codbixiyeyaasha.
Waxaa uu doonaya in guddoomiye Chebukati uu xaqiijiyo in diiwaanka tooska ah ee codbixiyeyaasha uu xilliga doorashada diyaar ku ahaan doono dhammaan 46,232 ee goobaha codbixinta.
Odinga waxaa uu guddoomiyaha IEBC xusuusinaya warqad uu sheegayo inuu u diray bishii hore oo uu ku codsanayay inay eegaan diiwaanka dijitaalka ee codbixiyeyaasha ka hor doorashada.
Raila Odinga ayaa doonaya in Chebukati uu u fududeeyo in kooxda u qaabilsan tiknolojiyadda fursad loo siiyo inay booqdaan xarunta shirkadda daabacaadda ee Inform Lykos ee magaalada Athens dalka Giriigga oo lagu soo daabacayo warqadaha codeynta.
Mr.Odinga sidoo kale waxaa uu doonaya in khuburadiisa dhanka tiknolojiyadda ay fursad u helaan inay kormeeraan geddisocodka lagu diyaarinayo agabka codeynta ee KIEMS iyagoo ay weheliyaan saraakiisha IEBC.