Raila iyo Ruto oo isku khilaafsan saraakiisha IEBC ee shaqada laga joojiyay

0
260

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa barta Twitter-ka soo dhigay qoraallo laga dheehan karo sida ay ugu kala aragti duwan yihiin tallaabo ka dhan ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ruto uu amray in si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyo afar sarkaal oo ka tirsan IEBC.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga baarlamaanka ee arrimaha cadaaladda iyo dastuurka oo baaritaano sameeyay uu soo jeediyay in howlwadeennadan lala xisaabtamo.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC,Juliana Cherera iyo saddex sarkaal oo kale ayaa lagu eedeyay inay dayaceen mas’uuliyadooda shaqo ka dib markii ay bishii Siddeedaad ka soo horjeesteen natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinnimo saacado ka hor inta uunan ku dhawaaqin guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati.
Madaxweyne William Ruto ayaa bartiisa Twitter-ka mar kale ku xaqiijiyay go’aanka uu ka qaatay saraakiishan.
Waxaa uu arrin sharciga wax lagu maamulo waafaqsan ku tilmaamay in guddiga uu magacaabay uu baaritaano xaqiiqo raadin ah sameeyo.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dhanka kale madaxa Azimio , Raila Odinga ku dhaliilay dibadbaxyo uu sheegay inay sameyn doonaan iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin in shaqada laga joojiyay Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.
Ruto ayaa ku doodaya in saraakiishan la doonayay in loo adeegsado in la weeciyo rabitaanka shacabka xilligii doorashada guud.
Waxaa uu Raila u sheegay in kastoo uu maamulkii hore garab siyaasadeed ka haystay uu haddana ku guul darreystay tartanka balse uu weli u muuqdo in taasi uunan weli aqbalin.
Ruto ayaa intaasi ku daray in Odinga uu hadda ku hanjabaya in mudaharaadyo ay dhici doonaan balse in guddiga loo xil saaray arrintan uu kala caddeyn doono in howlwadeennada IEBC ay qalad sameeyeen iyo in kale.
Hasa ahaate Raila Odinga ayaa dhankiisa madaxweynaha ugu soo jawaabay muuqaal ku saabsan xilli uu Ruto su’aal geliyay doorashadii guud ee sanadkii 2007-dii ee uu ku soo baxay Mwai Kibaki.
Waxaa uu u sheegay inuunan hilmaamin xilligii uu mucaaradka ka tirsanaa.
Guddiga baaraya saraakiisha IEBC ayaa waxaa hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Raila Odinga uu shaaciyay in 7-da iyo 12-ka bishan Diseembar la qaban doono isku soo baxyo dadweyne oo ka dhan ah go’aanka dowladda.