Waxaa la filayaa in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay maanta gaaraan ismaamulka Kirinyaga si halkaasi loogu soo dhaweeyo.
Raila ayaa shalay sheegay in la joogo xilligii ay Kenya soo afjari lahayd gaabadka dhanka isku dheeli tirka jinsiyadeed ee dhinaca hoggaanka.
Waxaa uu xusay in haddii uu ku guulaysto hoggaanka wadanka 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ku xigeenkiisaka caawin doonto xallinta dhibaatooyinka haysta dadweynaha.
Raila ayaa sheegay inay go’aansadeen in madaxweyne ku xigeenka mustaqbalka ee dalka ay haweeney noqoto si looga gudbo in golaha fulinta ee dowladda ay rag u badan yihiin.
Martha Karua ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaan baarlamaneedka Gichugu ee ismaamulka Kirinyaga oo ay muddo dheer baarlamaanka ku matalaysay.
Iyadoo maanta soo dhaweyn loo sameynaya ayay shalay ballanqaaday inay xaqiijin doonto in maamulka dowladeed ee ay ka tirsan tahay uu yahay mid ka madax bannaan musuqmaasuq sidoo kalena tixgeliya cadaaladda bulshada.




