Raila iyo Karua oo Khamiista dadweynaha su’aalo uga jawaabi doono

0
399

Afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga, Prof. Makau Mutua ayaa xaqiijiyay in kulanka Raila iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay dadweynaha uga jawaabi doonaan su’aallo uu qabsoomaya Khamiista soo socoto.
Waxaa lagu qaban doonaa hoolka shirkarka ee Jericho Social Hall ee deegaan baarlamaneedka Makadara oo ka tirsan Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu abuurmay jahwareer ku aaddan sida warbaahinta dalka ay Talaadada u wada tabin doonto kulankaasi iyo doodda musharraxiinta madaxweyne ee uu Mr. Odinga qaadacay inuu ka qayb galo.
Shalay ayay ahayd markii xoghaynta ololaha musharraxa madaxweyne ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ay sheegtay inuusan la doodi doonin dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto.
Waxay madaxweyne ku xigeenka dalka ku eedeynayaan inuu qorsheynayo inuu diiradda doodda ka weeciyo arrimaha muhiimka u ah kenyaanka sida la dagaalanka musuqmaasuqa.
Hasa ahaate William Ruto oo aan dhaliishaasi si toos ah uga jawaabin ayaa sheegay in Raila uunan shacabka u hayn qorsho cad oo uu u faahfaahin karo sidoo kalena uu walaac ka qabo in su’aalo adag ay uga yimaadaan dhanka Ruto.
Dhanka kale doodda musharraxiinta madaxtinimo ee la qorsheeyay in ay dhacdo maanta, ayaa sidii loo qorsheeyay u jiri doonto kasta oo Raila uu ka maqnaan doono.