Raila iyo isbeheysiga Azimio oo maxkamadda sare u gudbiyay dacwadda natiijadii madaxtinimo

0
284

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Martha Karua, madaxa xibsiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo qareenadiisa ayaa maanta maxkamadda sare geeyay dacwad la xiriirta natiijiadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishan dalka ka qabsoontay, ka dib markii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chebukati uu ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku guuleystay.
Raila iyo kooxdiisa Azimio ayaa maxkamadda sare ee Milimani geeyay caddeymo ay sheegeen in doorashada aysan si cadaalad ku dhicin islamarkaana looga shubtay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in rabitaankii shacabka daaqadda laga tuuray.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka qabaa in maxkamadda ugu sarreysa ee wadanka ee waxba kama jiraan ka soo qaadi doonto natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo.
Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa laga doonaya inay 14 cisho gudahooda go’aan ku soo saarto.
Dan Manzo oo ka mid ah qareenada matalaya isbeheysiga Azimio ayaa sheegay in sidoo kale dacwadda ay saaka qaab online ah ku gudbiyeen.
Dhanka kale afar qof oo Kenyaan ah ayaa maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ay uga soo horjeedaan natiijadii xilka madaxtinimo.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Kenya ay taariikh dhigtay ka dib markii maxkamadda Supreme Court ay noqotay midii ugu horreysay ee qaaradda Afrika oo laashay natiijada doorasho madaxtinnimo.