Ra’iisul wasaarihii Pakistan oo xilka laga qaaday

0
543

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa xalay xilkii uu hayay ka xayuubiyay ra’iisul wasaarihii wadankaasi Imran Khan, ka dib ismari waa’ qaatay 13 saacaadood oo ay xildhibaannada arrinkan kaga doodayeen.
Imran Khan ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Pakistan ee lumiyo codka kalsoonida ee golaha xeer dejinta ee dalkaasi.
Afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan Asad Qaisar oo xulafo la ah Mr.Khan ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo daqiiqado ka hor inta aynan billaabin codbixinta xilka looga qaaday Imran Khan.
Mooshinka xilka looga xayuubiyay mas’uulkan ayaa waxaa baarlamaanka Pakistan horgeeyay xubnaha mucaaradaka.
Waxaa codka kalsoonida kala laabtay 174 ka mid ah 342 oo xubin ka ah golaha baarlamaanka ee dalkaasi, taas oo ka badan codadkii ay doonayeen inay xilka uga qaadaan ra’iisul wasaaraha.
Mucaaradka waxay ku eedeeyeen Mr. Khan inuu si xun u maamulay dhaqaalaha, sidoo kale ku fashilmay siyaasadda arrimaha dibadda iyo maamul xumo.
Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegaya inuu ku guul darreystay inuu soo nooleeyo dhaqaalaha wadankaasi ee uu saameyn ku yeeshay COVID-19 sidoo kalena uunan fulin ballamihii ahaa inuu Pakistan ka dhigo mid ka madax bannaan musuqmaasuqa.
Dhanka kale Imran Khan oo xilka qaadistiisa ka hadlay ayaa sheegay inuunan go’aankan sooo dhaweyneyn.
Waxaa uu ku doodaya in tallaabada baarlamaanka ay codka kalsoonida uga laabteen ay tahay shirqool uu Mareykanka hoggaaminayo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Pakistan Arif Alvi uu kala diray golaha xeer dejinta ee dalkaasi ka dib talo uu ka helay ra’iisul wasaarihii xilkii laga qaaday ee Imran Khan .
Hasa ahaate maxkamadda ugu sarreysa wadanka Pakistan ayaa sheegtay in Imran Khan uu ku xadgudbay dastuurka dalkaasi, islamarkaana baarlamaanka aanan laga hor istaagi karin inay kalfadhiyo yeeshaan.
Ma jiro ra’iisul wasaare Pakistan oo dhammaystay muddo xileedkiisa oo shan sano ah ee taariikhda dalkaasi.
Khan oo 69 sano jir ah, ayaa ra’iisul wasaaraha Pakistan noqday sanadkii 2018-kii, isagoo taageero ka helay militeriga dalkaasi.
Baarlamaanka Pakistan ayaa lagu wadaa in berri oo Isniin ah ay ra’siiul wasaare cusub doortaan.
Waxaa la saadaalinayaa in shakhsiga beddeli doono Imran Khan uu noqon karo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin ra’isul wasaarihi hore ee Pakistan Nawaz Shariif.