Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shiinaha oo geeriyooday

0
275

Waxaa maanta isagoo 68 sano jir ah geeriyooday Li Keqiang oo horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday wadanka Shiinaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shalay uu la soo darsay xanuun dhanka wadnaha ah ka dibna la geeyay isbitaalla ku yaalla magaalada Shanghai oo uu ku geeriyooday wax yar un ka dib saqdii dhexe ee xalay sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua .
Muddo toban sano ah ayuu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha waxaana lagu tilmaamay inuu daacad u ahaa xisbiga hanti wadaagga marka loo barbardhigo mas’uuliyiintii isaga ka horreeyay.