Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sare ee caasimadda Islamabad ee wadankaasi.
Mr. Khan ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda, isagoo lagu eedeyay musuqmaasuq, halka uu ku dooday in eedeyntaasi ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed.
Wararka ayaa sheegaya in Mr.Khan ay xireen ciidamada oo wata gawaarida gaashaaman ka dib markii uu gudaha u galay dhismaha maxkamada.
Waxaa xilka ra’iisul wasaaraha dalkaasi laga tuuray bishii Afaraad ee April ee sanadkii hore, iyadoo tan iyo markaasi uu ololeynayay doorashooyinka in la qabto xilli hore.
Doorashada guud ee dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in la qabto dabayaaqada sanadkan.
Tobaneeyo kiis ayaa lagu soo oogay Imran Khan tan iyo markii xukunka laga tuuray.
Ciidamada amaanka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in ay ku xiraan hooyga uu ka deggan yahay magaalada Lahore, balse waxaa hor istaagay taageerayaashiisa.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayuu ka badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday xilli uu mudaaharaadayay.