Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay in maanta ay guud ahaan wadankaasi ka dhacaan dibadbaxyo qaran.
Mid ka mid ah qareennada Imran Khan ayaa sheegay in tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday xariga ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan in laamaha ammaanka ay xireen ugu yaraan 10 ka mid ah hoggaamiyaasha xisbiga mucaaradka ee PTI.
Jimcihii ayay ahayd markii ay maxkamadda Khan ku siidaysay damaanad uu bannaanka ku joogaya.
Maxkamadda ugu sarreysa ee Pakistan ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabadii Imran Khan lagu xiray Talaadadii hore ka dib markii lagu eedeyay inuu iibsaday hadyado ay dowladda Pakistan siiyeen wufuud shisheeye xilligii uu xukuumadda hoggaaminayay.




