Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah

0
213

Waxaa lagu soo warramayaa in ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee dalka Pakistan Imran Khan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee wadankaasi Shah Maxamuud Qureesh lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ah.
Maxkamad gaar ah oo ku taalla Pakistan ayaa ku heshay mas’uuliyiintan hore dambi ah in ay bixiyeen siirta dowladda wadankaasi.
Waxaa maxkamadda kiiskan ku dhawaaqday sheegtay in xukunkan uu yahay mid diblumaasiyadeed.