Waxaa lagu soo warramayaa in saaka ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee dalka Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay maxkamadda sheegtay inay ku heshay dambi ah iibinta hadiyadaha dowladda.
Shalay ayay ahayd markii Imran Khan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Pakistan Shah Maxamuud Qureesh lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambi ah in ay bixiyeen siraha dowladda.
Imran Khan ayaa sheegay in kiisaska lagu eedeyay oo dhan ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.
Xukunkan ayaa ku soo aadaya xilli uu toddobaad ka harsan yahay doorashada guud ee Pakistan taas oo loo diiday inuu u tartamo.




