Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo lagu soo oogaya dacwad musuqmaasuq

0
235

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta musuqmaasuqa.
Waxaa la maxkamadeyn doonaa maalinta berri ah.
Mas’uulkan hore ayaa loo haystaa inuu hanti dowladeed u weeciyay dhanka xisbigiisa Bersatu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Muhyiddin Yaasiin uu maanta su’aallo uga jawaabay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Malaysia (MACC).
Madaxa guddiga MACC Azam Baki ayaa wakaaladda wararka ee Bernama u xaqiijiyay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi uu berri ka soo hormuuqan doono maxkamadda.