Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

0
423

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Guddigan ayaa ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in sababta uu u Magacaabay ay tahay Sidii loo hubin lahaa matalaadda haweenka ee goleyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay dalab u gudbiyeen Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, iyaga oo codsanayay in la ilaaliyo qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal .