Ra’iisul wasaare ku xigeenka Nepal oo xafiiska laga saaray

0
248

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka Nepal ayaa bixisay amar xafiiska looga saaraya ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi .
Rabi Lamichhane oo 48 sano jir ah ayaa lagu helay dembi ah inuu ku xadgudbay awoodiisa xafiiseed.
Maadaama lagu eedeyay inuu ka tallaabsaday xeerarka dastuuriga ee Nepal mas’uulkan ayaa sidoo kale waaynaya kursigiisa baarlamaanka.
Rabi ayaa noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka Nepal iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ka dib markii xisbigiisa oo dhawaan la soo dhisay uu bishii hore ku biiray isbeheysiga dowladaasi hoggaamiyo.