Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka dhalatay dabkii Hargeysa ka kacay ee burburka baaxadda leh gaystay.
Waxaa uu sheegay in suuqa uu dabku ka kacay uu ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, ayna saameynta ugu badan dareemayaan dadka leh ganacsiyada yar yar.
“Ingiriisku wuxuu ku dadaali doonaa sidii aynu uu taageeri lahayn dadaalka dib-u-dhiska Somaliland.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Saddened to see the aftermath of the fire in Hargeisa with such destruction in the open market that is the economic heart of the city, affecting many small and family enterprises.
Your city will rise again and the UK will do what we can to support Somaliland’s rebuilding effort.
— Boris Johnson (@BorisJohnson) April 2, 2022