Ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa maanta loo dhaariyay inuu si ku meel gaar ah u sii hayo xilka madaxweynenimo ee wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii guddoomiyaha baarlamaanka Sri Lanka Mahinda Yapa uu shaaciyay inuu aqbalay is-casilaadii madaxweyne Gotabaya Rajapaksa oo wadanka isaga baxay haatanna ku sugan Singapore.
Wickremesinghe ayaa xeer dejiyaasha ugu baaqay inay ku dadalaan inay gaaraan isafgarad lagu soo dhisayo maamul dowladeed oo dhammaan xisbiyada matala.
Waxaa uu ballanqaaday inuu raaci doono geeddisocodka dastuuriga oo uuna soo celinaya nidaamkii kala dambeynta ka dib dibadbaxyo bilooyin socday.
Ra’iisul wasaaraha waxaa ku simaha madaxweynaha u dhaariyay madaxa cadaaladda ee Sri Lanka Jayantha Jayasuriya