Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo suxufiyiinta dhambaal hambalyo ah u diray

0
433

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Xurriyadda Saxaafadda Adduunka ee maanta ku beegan
Qoraal kasoo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta Soomaaliyeed ku ammaanay kaalintooda.
Waxaa uuna ballan qaaday in xukuumaddiisu difaaceyso xuquuqda iyo xurriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.
“Xukuumaddeyda Soomaaliya waxay Hoosta ka Xariiqday inay ka shaqeyneyso sii horumarinta jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ku gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo inay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda kaga baahan yihiin”
“Ayadoo sidoo kalena la dhowrayo bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalku galayo xaalad doorasho, taasoo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo inay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn”