Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray deegaan dhawaan Al-Shabaab laga saaray

0
341

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda dalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.
Wafdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaaladaasi, Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle, ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardargelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan Gobolka Shabeellaha dhexe looga saaro meelaha ay ka joogaan kooxdan.
Waxaa uu sidoo kale warixinno ka dhageysanaya Odayaasha iyo waxgaardka degmada Aadan-yabaal, taas oo la xiriirta baahiyaha ka jirta degmada si dowladda Soomaaliya ay wax ugu qabato.