Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Turkiga oo kulan yeeshay

0
473

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mahmet Yilmez.
Waxaa uu kala hadlay Safiirka xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale ka dalbaday in dowladda Turkiga ay kaalin wanaagsan ka qaadato Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo doorashooyinka wadanka looga balansan yahay.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageerada buuxda siiya Soomaaliya, waxayna tababartaa inta badan qeybaha kala duwan Ciidanka Qalbka Sida ee Soomaaliya.
Waxaa ay sidoo kale ay kabid ku sameysaa Miisaaniyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya.