Waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo horumariyo wejiga xiga ee heshiiska si loo soo afjaro dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin ee la go’doomiyay.
Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al Thani ayaa codsigan diray ka dib wadahadallo uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio oo Arbacadii ka dhacay Washington, halkaas oo uu ku nuuxnuuxsaday in “dib u dhaca iyo xadgudubyada xabad joojinta ay halis gelinayaan geeddi-socodka oo dhan ayna dhexdhexaadiyeyaasha gelinayaan xaalad adag”.
Ra’iisul wasaraha Qatar oo uu dalkiisa door muhiim ah ka cayaaray dhexdhexaadinta, ayaa sheegay in gargaarka bani’aadamnimadu uu si shuruud la’aan ah u gaaro Gaza, isla markaana wejiga labaad ee heshiiska uu si degdeg ah u billaabmo.
Wada hadaladii Istaraatiijiyadeed ee toddobaad ee Mareykanka iyo Qatar ayaa yimid iyadoo xabbad-joojintii ay sii socoto oo ay jirto xaalad degdeg ah oo bani’aadamnimo oo sii xumaanaysa oo ka jirta Gaza.




