Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa la soo xiriiray madaxweynaha dalka William Ruto isagoo dalbaday in baaritaan furan oo madax bannaan lagu sameeyo dilka wariye Arshad Shariif
Waxaa sidoo kale dilka wariyaha ka tacsiyeeyay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Arshad Shariif ku tilmaamay wariye aan runta la gabban.
Arshad Sharif ayaa sida la sheegay la toogtay xilli baabuur siday uu marayay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi-Magadi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA uu dalbanaya in la joojiyo baaritaannada ka dhanka ah saraakiishii qaybta SSU ee ay wado waaxda qaabilsan arrimaha booliska ee IAU.
John Waiganjo oo xubin ka ah guddiga IPOA ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaannada loo daayo maamulka kormeerka .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in adeegga qaran ee booliska uunan baaritaano isku sameyn karin.




