Ra’iisul wasaaraha New Zealand oo bisha soo socoto oo is casileysa

0
269

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa maanta ku dhawaaqday inay xilkan iska casili doonta bisha soo socota.
Waxaa ay sheegtay in muddo xileed kale oo afar sano ah aysan dooneyn in wadankaasi si hoggaamiso.
Jacinda Ardern, oo tani iyo sanadkii 2017-kii ra’iisul wasaare ka ahayd dalka New Zealand ayaa sheegtay inay aragtay xisbigeeda iyo sumcadeeda shakhsi ahaaneed oo hoos u dhac ku yimid sanadihii ugu dambeeyay.
Mrs.Ardern ayaa sheegtay in is casilaadeeda ay dhaqangeli doonto ugu dambeyn 7-da bisha Labaad ee sanadkan.
Waxaa ay intaasi ku dartay in xisbiga ay hoggaamiyo ee Labour uu u codeyn doono hoggaamiye cusub 22-ka bishan.