Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo sheegay in dalkaasi uu isbeddel u baahan yahay

0
226

Ra’iisul Wasaaraha dalka Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowladda wadankaasi ay sameyso isbeddelo ballaaran si ay u sii jirto qarannimada Malaysia.
Anwar ayaa xusay inay isaga mas’uuliyad ka saaran tahay dhaqangelinta isbeddelo la xiriira maamul wanaagga maadaama sida uu hadalka u dhigay wadankaasi uu u muuqdo mid ku wajahan burbur.
Arrintan ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera wuxuuna ku celceliyay in dib u eegista dhanka maamulka ee uu sameynaya ay noqon doonto mid ku saleysan xallinta baahiyaha jira.