Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa sheegay in xasuuq loo gaystay shacabka galbeedka gobolka Oromia ee dalkaasi.
Waxaa uu dilalka ku eedeyay fallaagada OLA oo uu ku tilmaamay argagixiso.
Qof dhibaatooyinka dhacay ka badbaaday ayaa warbaahinta dowladda Itoobiya u sheegay in la soo qaaday ugu yaraan 300 oo meydad ah.
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in dagaalyahaano ka baxsanaya duullaanka ciidamada amniga ay burbur wayn u gaysteen dadweynaha gobolkaasi.
In kastoo uunan faahfaahin dheraad ah bixin , Abiy Axmad ayaa qoraalka ku yiri “Waxaa la xasuuqay muwaadiniinta ku nool aagga Qellem Wollega ee gobolka Oromia”
Waxaa uu intaasi ku daray inay baacsan doonaan kooxda dilalka gaysatay ilaa iyo inta laga dabar gooynayo.
…ይሄንን አሸባሪ ቡድን እስከመጨረሻው ተከታትለን ከህዝባችን ጋር እናስወግደዋለን። 2/2
— Abiy Ahmed Ali 🇪🇹 (@AbiyAhmedAli) July 4, 2022