Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo la kulmay madaxda gobolka Tigray

0
355

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ,Abiy Axmed ayaa la kulmay madaxda sare ee gobolka waqooyi ee Tigray.
Kulankan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu hoggaamiyaasha gobolkaasi la yeeshay tan iyo markii ay labada dhinac wada saxiixdeen heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray dagaal socday labo sano.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa ku warrantay in shirka uu Abiy la qaatay mas’uuliyiinta Tigray looga gol-lahaa qiimeynta halka uu maraya geeddisocodka nabadeed.
Waxaa uu Abiy Axmad ballanqaaday inuu meel marinaya go’aamo sare loogu qaadaya duulimaadyada , adeegyada bangiyada iyo arrimo kale oo lagu xoojinaya kalsoonida shacabka gobolka Tigray sidoo kalena lagu wanaajinaya noloshooda.