Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo sheegay in uu dib u cusbooneysiin doono qorshihiisa milatari ee Gaza

0
450

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballan qaaday in uu “cusboonaysiin doono” qorshaha dagaalka Israa’iil ee Gaza.
Isagoo ka hadlayay shirka golaha wasiirrada, Netanyahu ayaa u sheegay wasiirrada, in milatariga uu toddobaadkan fari doono sidii loo gaari lahaa “saddexda ujeeddo ee dagaalka.”
Iyagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan xafiiska Netanyahu, warbaahinta Channel 12 Israel iyo Jerusalem Post ayaa ku warramay in “istaraatiijiyada la cusboonaysiiyay” ay ka mid tahay in la qabsado Gaza oo dhan, oo ay ku jirto magaalada Gaza, halkaas oo ay ciidamada Israa’iil aaminsan yihiin in la haystayaasha Israa’iil lagu hayo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha wasiirrada ee Israa’iil ay maanta yeelan doonaan fadhi ay ku ansixinayaan qorshahan.