Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay weerarayaan magaalada Rafax.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in duullaanka Rafax dib loo dhigi karo haddii la gaaro heshiis lagu soo siidaynaya maxaabiista u xiran Xamaas.
Waxaa ay magaaladaasi hooy u tahay boqolaal kun oo ah Falastiiniyiin ka soo barakacay duqeymaha militari ee Qaza.
Dhanka kale tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa weerarrada ay Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,692 qof oo Falastiiniyiin ah halka 69,879 kalena la dhaawacay.