Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo isbitaal la dhigay

0
278

Waxaa isbitaal la dhigay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu maro habraac caafimaad oo degdeg ah.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay in wasiirka cadaaladda, Yariv Levin uu xukuumadda si ku meel gaar ah u sii hoggaamin doono.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka hor inta uunan baarlamaanka Israa’iil u codeyn qorsho ay xukuumadda Netanyahu isbeddel ugu sameynaysa waaxda garsoorka.