Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo gaaray Israa’iil

0
266

Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Ingiriiska ,Rishi Sunak ayaa ka degay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Israa’iil Isaac_Herzog.
Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada la siiyay muwaadiniinta Ingiriiska tan iyo markii ay weerarradu billowdeen.
Labadan mas’uul ayaa ku heshiiyay inay muhiim tahay in gargaar baniaadannimo oo degdeg ah loo helo shacabka Falastiin ee ku nool Qaza ee dhibaatooyinka wajahaya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibadooda ay ka go’an tahay inay soo siidaayaan maxaabiista ay haysato Xamaas.