Ra’iisul wasaaraha dalka India ,Narendra Modi ayaa hoggaamiyaasha dalladda ay ku mideysan yihiin 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G20 ugu baaqay inay midnimo muujiyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay inaynan ku kala qaybsamin xal u raadinta dagaalka in ka badan hal sano ka taagan gudaha Ukraine.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu ka furay magaalada New Delhi isagoo xusay in maamul wanaagga caalamka uu guul dareystay.
Tani ayuu u aaneeyay in sanadihii ugu dambeeyay ay kordheen dhibaatooyinka dhaqaale, saameynta isbeddelka cimillada , cudurrada faafa , dagaallada iyo argagixisada.
Dalka India ayaa waxaa uu kulan uga socdaa wasiirrada arrimaha dibadda ee G20 .
Waxaa kulanka markii ugu horreysay tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii hore ku kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.