Waxaa xilkii Ra’iisul Wasaarennimo ee uu hayay ee dalka Haiti iska casilay Ariel Henry.
Waxaa sidatan xaqiijiyay madaxweynaha dalka Guyana Maxamad Irfaan Cali oo sidoo kale ah guddoomiyaha jaaliyadda dalalka Caribbean-ka ee (CARICOM).
Ariel oo 74 sano jir ah ayaa warqadda is casilaadda gudbiyay ka dib kulan degdeg ah oo ay yeesheen hoggaamiyaasha jaaliyadda CARICOM.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay kooxo hubeysan oo abaabulan ay rabshado ka wadaan Haiti waxayna shaqaaqooyinkan ka dhasheen in marar badan dib loo dhigay qabsoomidda doorashada dalkaasi.