Ra’iisul Wasaaraha Falastiin oo gaaray Spain

0
417

Ra’iisul Wasaaraha dalka Falastiin Maxamad Mustafa ayaa safar ku tagay dalka Spain.
Waxaa uu halkaasi kula kulmay dhigiisa Spain Pedro Sánchez .
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dowladaha Spain, Ireland iyo Norway ay si rasmi ah u aqoonsadeen madax banaanida dowladda Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Slovenia ay berri go’aamin doonto in ay aqoonsanaysa qarannimada Falastiin iyo in kale .