Ra’iisul wasaaraha cusub ee Sri Lanka oo la dhaariyay

0
451

Waxaa xilka ra’iisul wasaaraha ee dalka Sri Lanka loo dhaariyay Dinesh Gunawardena.
Tani ayaa timid saacado un ka dib markii ciidamada ammaanka ay sifeeyeen goob ku taalla magaalada Colombo oo ay ka dhaceen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Gunawardena ayaa ah rug-caddaa siyaasadeed oo ka tirsan xisbiga Sri Lanka People’s Front waxayna aad isugu dhow yihiin qoyska siyaasadda Sri Lanka caanka ku ah ee Rajapaksa.
Maanta oo Jimco ah ayaa lagu hor dhaariyay madaxweyne Ranil Wickremesinghe oo ahaa ra’iisul wasaare balse ay Arbacdii hoggaanka wadankaasi u doorteen xubnaha baarlamaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada mas’uul ay isku da’ yihiin oo ayna saaxiibbo ahaayeen tan iyo markii ay 3 sano jireen sidoo kalena ay isla soo dhigteen waxbarashada.
Hasa ahaate waxay kala hoggaamiyaan xisbiyo dhanka caqiidada siyaasadeed ku kala aragti duwan.