Ra’iisul wasaaraha cusub ee Qatar oo la magacaabay

0
302

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa xilka ra’iisul wasaaraha ee wadankaasi u magacaabay Sheekh Maxamad Bin Cabdulraxmaan Al Thani.
Tani ayaa timid ka dib markii uu is casilay Sheekh Khalid bin Khalifa bin Cabdelcaziiz Al Thani oo jagadan hayay.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar.