Rag lagu qabtay hub oo la filaya in Maxkmadda la soo taago

0
753

Booliska magaalada Lokichogio ee ismaamulka Turkana ayaa wali gacanta ku haya laba tuhmane oo da’doodu kala tahay 18 iyo 19 jir, ka dib markii laga helay qori nooca AK-47 ah oo aysan ku jirin wax rasaas ah.
Sida laga soo xigtay Agaasinka Dembi-baadhista (DCI), labadan qof ayaa la qabtay ka dib markii ay xog ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha.
Hay’adda uu hoggaamiyo Amin Mohammed ayaa xaqiijisay in eedeysanayaasha ay hadda gacanta ku hayaan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad.
Dhanka kale, hubka laga helay ayaa baaritaan lagu haya.