Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland ayaa sheegaya in xabsi si aad ah loo ilaaliyo oo ku yaalla halkaasi ay ka baxsadeen rag xukunsanayaal ah, oo qaarkood ay ka mid ahaayeen Al Shabaab.
Saldhigga ay ka baxsadeen raggaan waxaa lagu xiraa dadka lagu helo ka mid ahaanshaha kooxaha Al Shabaab & Daacish, Waxaana tirada xalay ka baxsatay mid kamid ah qolalka ay ku xinaayeen lagu sheegay in ay ahaayeen Toddoba ruux.
Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in mid ka mida maxaabiistii baxsatay ay toogteen, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac, kaas oo hadda xaaladdiisa lala tacaalayo.
Waxaa kale oo ay xuseen Booliska in ay qabteen Maxaabiis isku dayday falkan, mase jiraan warar madax banaan oo dhacdada xaqiijinaya, xilli warar sheegayaan in 3 xukunsane ay baxsatay.
War kasoo baxay Taliska Booliska Gaalkacyo qaybta Puntland ayaa lacag dhan Laba kun oo Doolar dul dhigay Saddex qof oo kala ah Xasan Isaaq Maxamad, Maxamad Cali Maxamad (Istakin), & Liban Ciise Cali (Madax kariye), kuwaas oo ay Maxkamadda Ciidamada qalabka & dambiyada culus ee Puntland ay xukuntay dil toogasho.
Waxaa lagu sheegay sidoo kale warka ay soo saareen Booliska, qofkii soo sheega meel ay ku sugan yihiin, aan cid kale ogaan doonin, abaalmarintiisana la siin doono.
Bulshada Gaalkacyo ayaa su’aallo ka keenay waxa fududeeyey in rag dil ku xukunsanaa ay xabsiga ka baxsadaan, iyaga oo codsaday in baaritaan dhab ah arrintaan lagu sameeyo, oo aan sidaas looga harin.
Saddexda ruux oo ay baadi goobayaan Booliska Puntland ayaa horay u qirtay in ay dilal dhowr ah ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo ee Waqooyigeeda oo ay Puntland Maamusho.